
Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
AktivPremiär
2026-02-03
Avsnitt
20
Senaste
2026-02-06
Snitt-tid
–
Nätverk
–
Programledare
–
Kontakt
–
Hemsida
sverigesradio.seAvsnitt
20Wasiirka Difaaca: Lama diidi karo in hub nukliyeer ah la keeno Sweden xilli dagaal
Pål Jonson (M), wasiirka difaaca Sweden. Hub nukliyer Sweden laguma heshiin in la keeno xilli nabadeed. Lyssna: Wasiirka Difaaca: Lama diidi karo in hub nukliyeer ah la keeno Sweden xilli dag Hubka nukliyeerka lama saari karo suurtagalnimadiisa in la keeno dhulka Sweden xilliga dagaalka, sida uu sheegay wasiirka difaaca Pål Jonson. Tan iyo 2023 — ka hor intii Sweden aysan ku biirin NATO — xisbiyada Baarlamaanku waxay ku heshiiyeen inaan lagu meeleeyn hub nukliyeer ah gudaha Sweden xilliga nabadda. Laakiin maanta ma jiro wax heshiis ah oo qeexaya waxa quseeya xilliga dagaalka. somali@sverigesradio.se
Nin lagu lagu xukumay dhib iyo hanjabaad sharci‑darro ah oo ka dhan ah wasiirro
Nin uu xukun ku dhacay Lyssna: Nin lagu lagu xukumay dhib iyo hanjabaad sharci‑darro ah oo ka dhan ah wasiirro Nin 43 jir ah ayaa lagu xukumay hanjabaad sharci‑darro ah iyo dhib ka dhan ah laba wasiir. Wuxuu dhigay tufaaxyo leh wejiga Hitler bannaanka guriga wasiirka socdaalka. Wuxuuna meel dhigay boonbalo uu ku miisaalinayo dagaalyahan IS ah, oo watay mindi been ah iyo madax boonbala go’an oo uu gacanta ku hayo, bannaanka guriga wasiirka deeqaha. Ninka la xukumay wuxuu sheegay in tallaabooyinkiisu ahaayeen mudaaharaad ka dhan ah deeqda dowladda ee maamulka Islaamistaha ah ee Suuriya. somali@sr.se
Iibsiga shirkadda Lyten ee Northvolt oo la soo gabagabeeyey
Shirkadda Laytens oo soo gabagabeeysay iibsigii shirkadda Northvolt. Lyssna: Iibsiga shirkadda Lytens ee Northvolt oo la soo gabagabeeyey Hadda waxaa la xaqiijiyay in shirkadda Maraykanka ee Lyten ay dhammeystirtay iibsiga Northvolt oo hore u busaaradeeysatay. Heshiisku wuxuu qaatay wakhti dheer, sababo la xiriira in Lytens ay ku adkaatay ururinta dhammaan dhaqaalaha lagama maarmaanka u ahaa iibsiga. Qorshuhu waa in soo‑saarka baytariyada ee Skellefteå dib loo bilaabo sannadkan. somali@sverigesradio.se
Agaasimaha guud ee hay’adda deeqaha Sida oo xilka ka tegaya
Wasiirka deeqda iyo ganacsiga dibedda Benjamin Dousa (M) iyo agaasimaha guud ee Sida Jakob Granit Lyssna: Agaasimaha guud ee hay’adda deeqaha Sida oo xilka ka tegaya Agaasimaha guud ee Biståndsmyndigheten Sida, Jakob Granit, ayaa ka tagaya shaqadiisa. Sida waxay u baahan tahay in uu hoggaamiyo qof kale, sida uu sheegay wasiirka deeqaha Benjamin Dousa. Wuxuu taa raaciyey in go’aanku aanu ku salaysnayn dhacdo gaar ah, balse uu yahay qiimayn guud. Ku‑xigeenka agaasimaha guud ee Sida, Hanna Hellquist, ayaa noqoneysa agaasime guud oo ku‑meel‑gaar ah illaa xal joogto ah laga helayo. somali@sr.se
Agaasimaha guud: Wakaaladda Socdaalku waa inay si cad uga hadashaa arrinta Emanuel oo 8 bilood jirka ah
Sumadda Wakaaladda Socdaalka. Lyssna: Agaasimaha guud: Wakaaladda Socdaalku waa inay si cad uga hadashaa arrinta Emanuel oo 8 bilood jirka ah Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka, Maria Mindhammar, ayaa ka hadashay kiiska wiilka 8 bilood jirka ah ee Emanuel, oo helay go’aan tarxiil oo loo dirayo Iiraan isaga oo aan lala socon waalidiintiis. Waxay tiri in Wakaaladda Socdaalku aysan fulin tarxiillo ay carruur yar yar keligood ugu diraan dal kale, isla markaana in la kala saaro go’aanka tarxiilka iyo go’aanka fulinta tarxiilka. Waxay sidoo kale sheegtay in Wakaaladda Socdaalka mustaqbalka ay si fiican isugu dubbaridi doonto go’aannada ku saabsan waalidiinta iyo carruurta si looga fogaado xaalado la mid ah tan. somali@sr.se
Dhib u imanaya maqaayadaha marka canshuurta dahsoon ee cuntada la dhimo
Thomas Jakobsson, madaxa dhaqaalaha ee Visita Lyssna: Dhib u imanaya maqaayadaha marka canshuurta dahsoon ee cuntada la dhimo Canshuurta dahsoon ee cuntada ayaa dhawaan la dhimi doono, taas oo keeni karta in qiimaha cuntada la qaato uu hoos u dhaco. Laakiin maqaayadaha ayay caqabadi u imaneysaa waayo waxaan la dhimi doonin midda cuntada lagu cuno gudaha maqaayadda. Ururka ganacsatada maqaayadaha, Visita, waxay u arkaan arrintan dhibaato. “Waxaa la kala saarayaa cuntada,” ayuu u sheegay P4 Stockholm madaxa dhaqaalaha Thomas Jakobsson. somali@sr.se
Khiyaanada oo sare ukacday halka xatooyada gawaaridu yaraatay
Xatooyada baabuurta waa dambi ku dhow inuu dabar go’o. Taas waxaa muujinaya warbixinta cusub ee Brå. Lyssna: Khiyaanada oo sare u kacday halka xatooyada gawaaridu yaraatay. Khiyaanooyinka ayaa si weyn ugu kordhay Sweden tan iyo sannadkii 2006, sida ay muujinayaan tirada ka soo baxday hey`ada dembikahortaga ee Brå. Isla markaana, dambiyada sida xadgudub, dhaca iyo dambiyada faraxumaynta ayaa hoos u dhacay sannadihii ugu dambeeyay. Xaga isbeddelka hoos udhaca ayaa ah xatooyada gawaarida kaas oo boqolkiiba 85 yaraaday. Saamiga dadka la kulma dambiyada ayaa guud ahaan hoos u dhacay sannadihii ugu dambeeyay Somali@sr.se
85 bilyan oo karoon oo lacagta macaamiisha korontada oo aan la isticmaalin ayaa ku jirta hey`adda
Lacag badan oo macaamiisha korontada ka timid oo aan la istimcaalin ayaa taal Svenska kraftnät. Lyssna: 85 bilyan oo karoon oo lacagta macaamiisha korontada oo aan la isticmaalin ayaa ku jirta hey`adda Farqiga weyn ee qiimaha korontada ee ka jiray Sweden sannadihii u dambeeyay ayaa sababay in lacag aad u badan oo ka timid macaamiisha korontada ey ku ururto hay’adda Svenska kraftnät. Dhammaadkii sannadka, 85 bilyan oo karoon ayaa yaallay halkaas iyada oo aan la isticmaalin. Waxay qaadan kartaa illaa toban sano inta aan dhammaan lacagta la isticmaalin. Peter Wigert, ku-simaha agaasimaha guud ee Svenska kraftnät, ayaa sheegay inuu fahamsan yahay in macaamiishu su’aal ka qabaan lacagtaas. Laakiin xeerarka lagu maamulo isticmaalkeeda waa kuwo adag. somali@sr.se
Warbixin ku saabsan hanjabaad khatar ah oo ka dhan ah kaabeyaasha tamarta ee Waqooyiga Yurub
Hanjabaad loo soo jeediyey saldhigyada korontada ee waddammada dhaca waqooyiga Yurub. Lyssna: Warbixin ku saabsan hanjabaad khatar ah oo ka dhan ah kaabeyaasha tamarta ee Waqooyiga Yurub Sida ay sheegeyaan ilo xog-ogaal u ah laanta wararka telefishanka TV4 Nyheterna, hanjabaad culus ayaa lala beegsaday kaabeyaasha tamarta ee dhammaan dalalka Nordics-ka. Hay’adda Dhegeysiga Militariga (FRA) waxay sheegtay in aysan jirin hanjabaad gaar ah oo wakhtigan ka dhan ah kaabeyaasha tamarta ee Iswiidhan, balse ay ku boorrinayaan qaybta tamarta in ay feejignaantooda kordhiyaan. Qofka ama kooxda hanjabaadda ka dambeysa — oo TV4 ay sheegtay in la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin quwad shisheeye — waxay sheegtay in ay jiraan wakhti cayiman ka hor inta aysan weerarka fulin, balse wali lama oga sida ama goorta uu dhici karo. somali@sverigesradio.se
Hindisihii S ee lagu joojin lahaa tarxiilkaa dhallinyarada oo la laaley
Magdalena Andersson, hoggaamiyaha xisbiga S. Lyssna: Hindisihii S ee lagu joojin lahaa tarxiilkaa dhallinyarada oo la laaley Ma jiri doono joojin ku-meel-gaar ah oo lagu hakiyo masaafurinta dhallinyarada, sida ay soo jeediyeen Socialdemokraterna — oo ahayd in la hakiyo ama la qaboojiyo masaafurinta inta la helayo xal joogto ah. Xisbiyada Tidö ayaa maanta maya kaga codeeyey kalfadhi ey yeesheen guddi-hoosaadka baarlamanka ee caymiska bulshada, halka dhammaan xisbiyada mucaaradku ey u codeeyeen “haa”. Wasiirka socdaalka Johan Forssell wuxuu sheegay inay xukuumaddu ka shaqeaynayso sidii ugu dhaqsaha badan ee loo soo bandhigi lahaa xal joogto ah. somali@sverigesradio.se
Waxa la`aaminsan yahay in Liberal-ku ka bixi doono baarlamaanka doorashada ka dib
Simona Mohamsson (L). Codbixiyeyaal badani waxa ay aaminsan yihiin in aanu xisbiga Liberal-ku ka soo gudbi doonin dhibacaha boqolkiiiba 4 ee loo baahan yahay si baarlamaanka loo galo. Lyssna: Waxa la`aaminsan yahay in Liberal-ku ka bixi doono baarlamaanka doorashada ka dib Taariikh ahaan tiradii ugu hoosaysay ee Liberal-ku helaan, tirada ayaa bishii hore hoos uga sii dhacday. Cabbir cusub oo ay samaysay Indikator Opinion ayaa muujinaya in xisbigu helayo taageerada 1.3 boqolkiiba. Aqlabiyadda codbixiyeyaasha ma aaminsana in Liberalerna ay ka gudbi doonaan dhibcaha boqolkiiba 4 ee loo baahan yahay si kuraas loogu helo baarlamanka. Xisbiyada Tidö ayaa ka hooseeya mucaaradka boqolkiiba 8.1 cabbirkan ra`yi ururinta. Farqigaas ayaa sii kordhaya cabbir kasta tan iyo bishii Oktoobar. Somali@sr.se
Xukuumadda iyo SD oo isku Raacay: Fududeeynta tarxiilka Dembiileyaasha
Xukuumadda iyo xisbiga SD oo soo bandhigey hinde sharciyeed lagu adkeeyneyo tarxiilka ee ajaaniibta dembiyada gala. Lyssna: Xukuumadda iyo SD oo isku Raacay: Fududeeynta tarxiilka Dembiileyaasha Xukuumadda iyo Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa soo jeediyey in laga bilaabo dayrta la adkeeyo sharciyada ku saabsan musaafurinta ajaaniibta dambiyada lagu helo. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in dhammaan ciqaabaha ka culus ganaaxa lacageed lagu daro musaafurin. “Qof kasta oo yimaada Sweden oo danbi ka galaa wuxuu lumiyay martisoorintii iswiidhishka, waana in la musaafuriyaa,” sida uu sheegay wasiirka socdaalka Johan Forssell. somali@sverigesradio.se
Tirtirka tababarka khasabka ah ee hagaha (handledarutbildningen)
Saciid Siyaad, aqoonyahan dhanka shuruucda gaadiidka. Lyssna: Tirtirka tababarka khasabka ah ee hagaha (handledarutbildningen) Xukuumaddu waxay doonaysaa inay meesha ka saarto tababarka khasabka ah ee hagaha ee loo baahan yahay marka darawalnimada si gaar ah (privat övningskörning) loo baranayo. “Hindisahani waa mid waali ah,” ayay tiri Sonja Forward, oo ah hoggaamiyaha cilmi‑baarista ee Machadka Qaranka ee Cilmi‑baarista Waddooyinka iyo Gaadiidka. Waxay sheegaysaa in soo jeedintani ay keeni karto khataro sii kordha. Warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka kaabeyaasha iyo guryeynta, Andreas Carlson (KD), ayuu ku sheegay in kordhinta fursadaha lagu sameeyo tababarka badan ay keenayso in dad badan ay si fiican ugu diyaargaroobaan imtixaanka wadista. ”Waa mid dhaqaalaha aad ugu jaban in ilmaha övningskör la sii siiyo. Marka haddii ilmaheenno kale Övningskör uu waalidku u sameeyo dhaqaaluhu aad buu ugu jabnaaneyaa" sida uu sheegay Saciid Siyaad. Kenadid Mohamed kenadid.mohamed@sverigesradio.se
Warbixin: Ma jiraan kordhinno qarsoodi ah oo lagu sameeyay qiimaha cuntada
Wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson iyo wasiirka rayidka Erik Slottner. Lyssna: Warbixin: Ma jiraan kordhinno qarsoodi ah oo lagu sameeyay qiimaha cuntada Silsiladaha dukaamada cuntada ayaan u muuqan inay si qarsoodi ah u kordhiyeen qiimaha cuntada ka hor dhimista canshuurta dahsoon ee cuntada ee 1-da Abriil. Taasi waxaa muujinaysa warbixintii ugu horreysay ee ka timid gudiga qiimaha cuntada ee xukuumadda oo loo abuuray si loo hubiyo in canshuur-dhimistu dhab ahaantii hoos u dhigto qiimaha dukaamada ee cuntada. Wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson waxay tiri macaamiishu waxay filan karaan qiimo-cunto oo hooseeya laga bilaabo Abriil. somali@sr.se
Wakaaladda Canshuuraha oo dhowr jeer oggolaatay Magaca Jihad
Ilmo yar oo sariir ku jiifa. Lyssna: Wakaaladda Canshuuraha oo dhowr jeer oggolaatay Magaca Jihad Inkasta oo ay jirto hagitaan sharci ah oo sheegaya in magaca Jihad aan la oggolaan, haddana Skatteverket waxay diiwaangelisay lix carruur ah oo magacaas loo bixiyay tan iyo 2021. Magacu asal ahaan wuxuu ka dhigan yahay “dadaal” ama “halgan”. Skatteverket waxay aaminsan tahay in magaca uu keeni karo dareen xun maadaama warbaahinta badanaa la xiriiriso islaam xagjir ah. Professor Elie Wardini oo ka tirsan Jaamacadda Stockholm wuxuu tilmaamay in magaca ay isticmaalaan muslimiin iyo kirishtaanba oo ku nool Bariga Dhexe. somali@sr.se
Waxaa la heli karaa caawimaad lacagta qayb qayb loogu bixiyo
Mikael Bladh, Madaxa “Foomamka biilasha iyo bixinta lacagaha ee Eon.” Lyssna: Waxaa la heli karaa caawimaad lacagta qayb qayb loogu bixiyo Jiilaalka dheer oo qabow ayaa sababay koronto qaali ah, taas oo ka muuqata shirkadda Eon. Tirada wicitaannada dadka ka dalbanaya caawimaad biilka korontada ayaa kordhay 30 boqolkiiba. Sara Bengtsson oo ku nool Bjuv waxay leedahay in ay dhowr kun oo karoon kaliya uga haraan bil kasta marka ay bixiso kharashaadka joogtada ah, inkasta oo ay sameeyaan wax walba si ay u yareeyaan isticmaalka. Waxay ku tilmaantay xaaladda mid murugo leh. Eon waxay ku boorrinaysaa macaamiisha inay goor hore soo wacaan haddii ay dhibaato ku qabaan bixinta, si loo helo xalal. somali@sr.se
Wakhti yar oo u harsan xukuumadda si ay u dhammeystirto heshiiskaTidö
Henrik Vinge (SD), guddoomiyaha guddi-hoosaadka baarlamanka ee shuruucda. Lyssna: Wakhti yar oo u harsan xukuumadda si ay u dhammeystirto heshiiskaTidö Heshiiska Tidöavtalet ee u dhexeeya Sverigedemokraterna, Moderaterna, Kristdemokraterna iyo Liberalerna ayaa saldhig u ah siyaasadda xukuumadda hadda jirta. Waxaa adkaan karta in la dhammeystiro Tidöavtalet, oo ka kooban in ka badan 500 qodob, ka hor doorashada. Qiyaastii sadax‑meelood laba meel ayaa la fuliyay, sida ay sheegtay xukuumaddu. Ku‑xigeenka guddoomiyaha SD, Henrik Vinge, wuxuu sheegay in wakhtigu aad u yar yahay: “Waxa hadda la qabanayana aad u badan yihiin.” somali@sr.se
Magaca Jehad looguma walqali karo Sweden
Magaca Jehad oo aan Sweden ilmo loola bixi karin. Lyssna: Magaca Jehad looguma walqali karo Sweden Skatteverket waxay diiday in carruur cusub loo bixiyo magacyada Jihad ama Jehad, iyagoo sheegay in ay keeni karaan dareen xun ama xiriir lagu xasuusan karo wax taban. Magacan oo macnihiisu yahay “dagaal (nafsiga ah)” aad ayuu caan ugu yahay Bariga Dhexe, waxaana gudaha Iswiidhan sita ku dhawaad 900 qof. Go’aanku wuxuu quseeyaa oo keliya carruurta dhawaan dhalatay. Jehad Hameed wuxuu sheegay inuu ku faano magiciisa. somali@sverigesradio.se
Ukrainiyiinta Sweden oo ka walaacsan mustaqbalkooda
hrystyna Hevchuk Lyssna: ukrainiyiinta Sweden oo ka walaacsan mustaqbalkooda Ukrainiyiinta u soo qaxay Sweden kadib duullaankii ballaarnaa ee Ruushka afar sano ka hor, ayay qaar badani ka walaacsan yihiin mustaqbalkooda. Xeerka Massflyktsdirektivet ayaa la kordhiyay ilaa Maarso 2027, balse waxa dhici doona ka dib lama oga. “Waxaan dareemayaa inaanan qorsheyn karin mustaqbalkayga,” ayay tiri Khrystyna Hevchuk oo ku nool Södertälje. Laakiin dowladda waxay rabtaa in Ukrainiyiintu ay awoodaan inay codsadaan ogolaansho joogitaan oo shaqo ama waxbarasho iyagoo aan dalka ka bixin, sida ku cad warbixin laga soo diray gudiga sharciga bishii Janaayo. somali@sr.se
Sida uu duullaankii Ruushka ee Ukraine u saameeyey difaaca Sweden
Boqorka o booqday Ciidanka Iswiidhen ee NATO Ādaži-basen ee Lettland. Lyssna: Sida uu duullaankii Ruushka ee Ukraine u saameeyey difaaca Sweden Duullaankii buuxay ee Ruushku ku qaaday dalka Ukraine wuxuu keenay isbeddello waaweyn oo ku dhacay difaaca Sweden. Isbeddelka ugu weyn uguna muuqda waa in Sweden ay ku biirtay NATO, taas oo ka dhigan in dalka uu ka tagay in ka badan 200 sano oo dhexdhexaadnimo ah. Duullaanku wuxuu sidoo kale ka muuqdaa nolol‑maalmeedka shaqada difaaca, gaar ahaan Badda Östersjön, halkaas oo ciidanka badda ee Sweden uu hadda la macaamilayo deris dagaallamaya.